Waxaa maanta magaalada Jabuuti ee dalka Jabuuti ka furmay Shirkii 8ᵃᵃᵈ ee Madasha Aragti-Wadaagga Machadka Daraasaadka Siyaasadda ee Heritage. Shirkan ayaa sannadkan diiradda lagu saarayaa ‘Xoojinta Xasilloonida Gobolka: Muhiimadda u Hoggaansanaanta Iskaashi Ku Salaysan Shuruucda, Ganacsiga, iyo Nabadda Geeska Afrika.’ Waxaa madasha lagu soo bandhigi doonaa cilmibaarisyo, dood cilmiyeysan, iyo hadal-jeedinno lagu lafagurayo sidii loo xoojin lahaa iskaashiga, xiriirka, xasilloonida, iyo dhaqaalaha Geeska Afrika, xal waarana loogu heli lahaa xiisadaha ka aloolsan gobolka. Shirkan oo soconaya muddo saddex maalmood ah ayaa martigelinaya hoggaamiyayaal, aqoonyahanno, cilmibaarayaal, iyo khubaro ku xeeldheer arrimaha siyaasadda, dhaqaalaha, sharciga, iyo nabadda Gobolka, kuwaas oo kala yimid deegaannada Soomaalida ee Geeska Afrika iyo daafaha dunida, si ay khibraddooda iyo aqoontooda ugu biiriyaan doodaha iyo aqoon-iswaydaarsiga ka dhacaya madasha. #HeritageForum#RegionalCooperation#RegionalStability #AFI2024 Navigation de l’article Formation sur la Planification Stratégique pour les Hauts Cadres de l’Administration Publique Dans le cadre du Projet d’Entrepreneuriat des Jeunes pour l’Adaptation au Changement Climatique (PEJACC)